Soomaaliya: Muxuu Deni u dedejinayaa dhismaha Gudiga Doorashada Puntland Ee (PEC)?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland ee muddo xileedkiisa Dastuuriga sii dhamaanayo ee Siciid Deni ayaa ku guda jira fuinta qorshihiisa mudo-korarsi sharci-darro ah, oo ah arin Ugub ku ah siyaasadda Maamulkan 25 sano jirsaday.

Baarlamaanka gudoonkiisa oo kala shaqeynaya mudo-korarsiga, si uu isna usii joogo kursiga ayaa dhawaan si baal-marsan xeerarka iyo heshiiska bulsho ee Puntland ku ansixiyay hindise Deni usoo dhiibay, oo wax looga bedelayo Dastuurka, si ugu xaarto dhabaha waqti ku-darsiga.

Sidoo kale, TPEC ayaa shaqadeedii soo dhamaatay, waxaana la billaabay dhismaha guddiga doorashooyinka rasmiga ah ee PEC iyo sida ay dhinacyadu heshiis uga gaaraan.

Baarlamaanka ayaa shalay, July 31 soo magacaabey saddex xubin, oo kala ah - Fu'aad Abshir Axmed, Ahmed Jaamac Maxamed iyo Axmed Maxamuud Cumar [KK], Madaxtooyadda ayaa iyana sidoo oo kale saddex xubin ka imaanaysa, iyadoo Xisbiyada Siyaasadda 8 soo magacaabayaan.

Deni ayaa Cabdulaahi Maxamed Barre "Caato" u magacaabay xubinta guddiga PEC oo sharci ahaansihiisa lagu muran-san yahay ku matalaya ururkiisa KAAH.

Caato oo ay Deni isku qoys hoose kasoo jeedaan, ayaa caan ku ahaa inuu baraha bulshada ka difaaco Deni, oo mowjado mucaarado ah ku furan yihiin, kadib markii uu Puntland ka leexiyay jidkii saxda ahaa.

Sidoo kale, Deni ayaa hadda qorsheynaya inuu helo aqlabiyadda xubnaha Gudiga PEC, oo sida la sheegay illaa 7 gacanta ugu jiraan, waxaana uu doonayaa in ay u ansixiyaan mudo-korarsiga uu rabo.

Falcelin layaab leh ayaa ka dhalatay sababta Deni oo inta badan bulshada u sheega in qabyaalada la iska daayo uu u magacaabay ina adeerkii.

Horey Deni ayaa Caato ula doonayay in uu ka dhigo gudoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka ah ee PUNSAA balse taasi waa ay u suurto gelisay markii lagu tilmaamay " mid aan khibrad maamul lahayn".

Deni ayaa meel-dhexe uga tagay doorashadii Gollaha degaanka, oo aan ka dhicin 3 degmo oo Nugaal kamid ah, kuwaasoo kala ah Godobjiraan, Dangoroyo iyo Garoowe, iyadoo codbixinta aysan u dhicin si hufan, loo dhan yahay.

Xukunkiisa ku dhisan "Sidaan doonaa sameynaa iyo la-tashi la'aanta", ayaa horseeday in dagaal uu ka dhaco Caasimada Puntland, oo ay ku dhintaan go'aankiisa qalafsan in ka badan 26 qof, sidoo kale sababay barakac 20kii June 2023.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM