Soomaaliya: Puntland oo joojisay soo-galista iyo joogista sharci-darrada ee ajaanibta

Image

GAROWE, Soomaaliya — Puntland ayaa toddobaadkan mamnuucay soo-galista sharci-darrada ee ajaanibta, waxaana la amray shirkadaha teleefonka in ay joojiyaan SIM-ka ay siiyaan dadka aan lahayn dukumiintiyo sharci ah oo ku joogaan gudaha Puntland, si looga hortago xubnaha kooxda Daacish inay ku dhex-dhuuntaan.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshe lagu burburinayo shabakadaha maaliyadeed ee Daacish, iyadoo ciidamada Puntland ay wadaan howlgal ka dhan ah dagaalyahanada kooxda ee ku dhuumanaya gobolka Bari buuraha ku yaalla.

Puntland ayaa dhowaan billowday hawlgallo ciidan oo ka dhan ah Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaad iyo Cal-Madow. Ciidamada amniga ayaa qabsaday xerooyin iyo meelo difaac ah, waxayna dagaalyahannada ku qasbeen inay ka cararaan saldhigyadii ay joogeen.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegaya in in ka badan 300 qof lagu xiray hawlgalka socda, iyadoo dadkaas lagu samaynayo baaritaan, maadaama ay yihiin ajaaniib.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa soo saartay amar mamnuucaya dadka aan lahayn aqoonsi sharci ah inay sii joogaan magaalooyinka Puntland, iyadoo sidoo kale la mamnuucay in ay Shirkadaha iyo Bangiyada u furaan akoono dhaqaale lagu aruuriyo, iyadoo aqoonsi sax ah la haysan.

Abdirahman Yuusuf Faarax, oo ahaa taliyaha hore ee hay’adda sirdoonka Puntland, ayaa sheegay in hay’adaha amniga aysan ku xad-gudbi doonin xuquuqda dadka ay raadineyaan xubnaha iyo taageerayaasha Daacish, isla markaana qof kasta oo si sharci ah kusoo galay Puntland la ixtiraami doono.

Puntland waxay haysataa nabad gelyo fiican marka la barbardhigo Koonfurta Soomaaliya, laakiin mas'uuliyiinta ayaa ka walaacsan kororka awoodda Daacish, oo helaysa dagaalyahanno ajnabi ah oo Bariga Dhexe iyo dalal kale uga imaanaya. Maamulka Puntland ayaa raadinaya taageero dhaqaale oo caalami ah iyo taageero duqeymaha cirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM