Puntland: Qarax culus oo ka dhacay Boosaaso

Image

BOSAASO, Puntland - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari, xilli uu maalintii labaad xiran yihiin Ganacsigii magaalada iyo Dekedda.

Goob-jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qarax uu ahaa mid lala eegtay gaari ay wateen Askar katirsan Ilaalada Madaxtooyda Puntland xilli uu marayay halka loo yaqaanoo Nedco oo ku dhaw Dekedda Boosaaso.

Mid kamid ah Dhaqaatiirta ka howlgala Isbitaalka Guud ee Boosaaso ayaa u xaqiijiyay GO in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 6 Askari, oo saddex kamid ah dhaawacooda uu culus yahay.

Dhowr qof oo shacab ah oo goobta ka agdhawaa ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, oo la sheegay inuu ahaa Bam gacmeed lagu dhuftay Gaariga ciidan. Boolis ayaa goobta gaarey waxayna wadaan baaritaan.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii labaad uu xiran yahay dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga magaalada Boosaaso, islamarkaana qeybo kamid ah magaalada laga maqlayo rasaas goog-goos ah.

Ganacsatada ayaa xiray xaruumahooda ganacsiga maalintii shalay, kadib markii dowladda ay kordhisay qiimaha khidmooyinka laga qaado badaaceadaha kala duwan ee kasoo daga Dekedda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM