Soomaaliya: RG oo dadweynaha waydiisay aragtidooda qaraxii Muqdisho [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland- idaacada Radio Garowe oo qabatey barnaamij loogu talagaley dadkii shacabka ah ee ku nool magaalo madaxda Puntland kuwasoo ku cabirey aragtidooda ku aadan qaraxii magaalada Muqdisho lala beegsadey dad shacab ah ee ku sugnaa halka la yirahado Zoope.

Barnaamijkaan ayaa dadweynaha lasoo hadlay ku cabireen fikirkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin qaraxa ku dhacey dadka shacabka iyagoo halkaas tacsi uga direen eheladii dadkii halkaas ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmey.

Dadweynaha Idaacada la soo xiriirey ayaa soo jeediyey fikirkooda ku aadan sida wax looga qaban karo dhibaatada amni daro ee Soomaaliya ka jirta.

idaacada Radio Garowe ayaa wada barnaamij gargaar loogu ururinayo dadka ku dhaawacmey qaraxaan iyadoo maamulka warbaahintaan meel wanaagsan u mareyso ururinta deeqdaan.

Qaraxa magaalada Muqdisho ka dhacey ayaa waxaa ku dhintey 300 qof iyadoo ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 500 qof.

Dowlada Puntland ayaa shaacisay in kaalmo isugu jirta Daawo iyo Dhakhaatiir u direysa magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM