Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay dagaallo xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Amniga Puntland iyo dagaalyahannada ISIS, iyadoo kooxda ay lumisay saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla Buuraha Cal-Miskaat.

Dagaalka ayaa sidoo kale sababtay in in ka badan 10 qof ay si daran ugu dhaawacmaan, iyadoo Puntland ay ku dhawaaqday inay sii wadi doonto hawlgallada gobolka Bari halkaas oo kooxda ay ka howlgasho.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland, Brigadier General Mohamud Mohamed Ahmed, ayaa u sheegay VOA in 15 dagaalyahan oo ka tirsan ISIS lagu dilay dagaalladii Isniintii iyo Axaddii. Dagaalyahanada ayaa isticmaalayey Qaraxyada si ay uga kahor tagaan hawlgallada ciidamada ee deegaanka Ufeyn, sida uu sheegay.

Waxa uu intaas ku daray, dagaalada ay sababeen dhimashada lix askari iyo dhaawaca saddex kale. Taliyaha ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

"Isniintii, askartayada waxay la kulmeen dagaalyahannada argagixisada agagaarka deegaanka Laba-Afle, waxaana la dilay todoba ka mid ah. Hal askari oo naga mid ah ayaa sidoo kale ku dhintay, afar kalena waa ay dhaawacmeen," ayuu yiri.

Ciidamada Puntland ayaa mudo bilo ah u diyaargaroobayey hawlgalkan. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqoonsatay horumarka laga gaaray hawlgalkan, balse aan taageero gaarsiin Ciidamada difaaca Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni, ayaa ugu baaqay shacabka inay taageeraan hawlgalkan, isagoo sheegay in loo sameeyey si looga saaro dagaalyahannada ISIS ee ku dhuumaaleysanaya buuraha.

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in saameynta kooxda ISIS ee Puntland ay korortay, iyadoo dagaalyahannada Bari ay helayaan dakhliga hawlgalladooda, oo ka imaanaya canshuurta ganacsiga Boosaaso. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku boorisay mas'uuliyiinta Puntland inay feejignaadaan, iyadoo kooxda la qiyaasayo inay haystaan ku dhawaad 600 dagaalyahan.

Kooxda ISIS ee Soomaaliya ayaa la aasaasay Oktoobar 2015, iyadoo ay kamid yihiin dagaalyahanno horey uga tirsanaa Al-Shabaab oo uu kamid yahay Abdulkadir Mumin. C/qaadir Mumin ayaa la sheegay inuu ka badbaaday duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka 31-kii May 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM