Soomaaliya: Xabad-joojintii Puntland oo burburtay iyo TPEC oo sare u qaaday xiisadda

Image

GAROWE, Soomaaliya - Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland TPEC ayaa dhawaan ansixiyay Xisbiyada rasmiga ah, kadib go'aankii Baarlamaanka ee wax ka bedelka Dastuurka, kaasoo dhaliyay khilaaf iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan Puntland.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay wax ka bedelka dastuurka waxayna u arkeen in uu qeyb ka yahay qorshaha muddo kordhinta uu doonayo madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo Saciid Deni.

Sidoo kale, TPEC ayaa soo saartay natiijada rasmiga ah ee doorashada saddexda degmo iyo doorashada 30-ka degmo, kuwaasoo marka la isku daro noqonaya natiijada rasmiga ah ee Doorashooyinkii Golayaasha Degaanka Dowladda Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, TPEC waxa ay la kulantay dhaleecayn ah in ay aamusanayd intii uu Baarlamaanka ka shaqeynayay arinta wax ka bedelka Dastuurka oo Deni gadaal ka riixayay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa iyaga oo ka jawaabaya xaaladahan siyaasadeed waxa ay soo saareen war qoraal ah oo ay ku muujinayaan dareenkooda iyo mowqifkooda ku aadan damaca Deni inuu kursiga kusoo fadhiga kadib Jan 2024.

Waxa ay xaqiijiyeen in xabad-joojintii halka dhinaca ay burburtay, sidoo kalena dhammaan wada-hadalladii u socday dhinacyada siyaasadda ay fashilmeen, waxayna ka digeen in hamiga Madaxweyne Deni ee ku aaddan muddo kororsi uu u horseedo burburka Puntland iyo amni darro.

Jawiga siyaasadeed ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo Danab ay sheegeen inay iska difaaci doonaan, tallaabo adagna ka bixin doonaan dhaq-dhaqaaq hadii ay sameyso dowladda oo dhankooda ku aadan.

Bishii June, Garowe waxaa ka dhacay dagaal dhiig ku daatay, oo sidoo kale sababay barakac iyo burburka kaasoo ka dhashay isku-dayga Baarlamaanka ee ku ansixinayo dalabka Deni ee wax ka bedelka qodobo kamid ah Dastuurka.

Iyadoo ay jiraan dhacdooyinkaasi oo saameyn taban ku yeellan kara amniga, Puntland ayaa lagu wadaa in ay beri u dabaaldegto sannad-guuradii 25-aad ee kasoo wareegtay aasaasiddeeda 1998-kii.

Walaaca ayaa hareeyay dabaaldega sanadguurada 25-aad ee Puntland, Halkaas oo xoogaga siyaasadeed ay isku dayayaan inay ilaaliyaan qiyamka dimuqraadiyada Puntland, iyagoo islamarkaana aan waxba u dhimin xasiloonida amni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM