SSC-Khaatumo oo beenisay inuu wadahadal dhexmaray Cirro iyo Aw-cali

Image
Warkaan ayaa guud ahaanba meesha looga saaray in labada hoggaamiye ay ka wada arrinsadeen xaaladda ka soo cusboonaatay Ceeri-gaabo.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Qoraal habeenimadii xalay ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada maamulka SSC KHATUMO ayaa lagu beeniyey inuu jiro wadahadal khadka Telefanka ah oo dhexmaray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo hoggaamiyaha SSC KHATUMO Cabdiqaadir Axmed Aw-cali.

Warkaan ayaa guud ahaanba meesha looga saaray in labada hoggaamiye ay ka wada arrinsadeen xaaladda ka soo cusboonaatay Ceeri-gaabo iyo sidii loo baajin lahaa colaad ka dhacda.

HOOS KA AHRISO QORAALKA

Waxaa qaar kamid ah saxaafadda deegaanku warisay in Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ay khadka taleefanka ku wada xidhiidheen Horjoogaha cusub ee Soomaliland oo ay ka wada hadleen arrinta Ceerigaabo.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si buuxda u beeninayaa jiritaanka warkaas aan salka iyo raadka toonna lahayn oo ay faafiyeen xubno cadawga u shaqaynaya. Maamulku wuxuu laamaha Sharciga la wadaagay baadhitaanka iyo caddaalad horkeennidda ku aaddan cidkasta oo ku lug leh faafinta wararka lidka iyo dacaayadda ku ah jiritaanka Maamulka Ssc-Khaatumo.

Ma jiro, mana jiri doono xidhiidh toos ah iyo mid dadban oo dhex mari kara SSC-khaatumo iyo Maamulka dhiigyacabka ah ee Soomaliland oo ah maamul daalim ah oo dadka reer SSC-Khaatumo ka galay danbiyo dagaal.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo.

Maamulku SSC-Khaatumo wuxuu u taaganyahay difaaca taako kasta oo kamida ah dhulweynahiisa taasoo waafaqsan halgankii shacabka deegaanku soo galeen kuna guulaysteen iyo sidoo kale mabaadi’da tiirarka u ah Jiritaanka Maamulka SSC-Khaatumo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM