Sucuudiga: Dhimashada Masjidka Xaramka oo korortay

Image

Ugu yaraan 107 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 230 kalana waa ay dhaawacmeen, kaddib markii uu dumay wiish qaada qalabka dhismaha oo ka dhex shaqeynayay masjidka Xaramka ee ku yaalla magaalada barakaysan ee Makah Al-Mukaramah ee waddanka Sucuudiga.

Wiish aad u weyn oo gaduud ah ayaa waxa uu ku burburay qeyb ka mid ah masjidka barakaysan ee aadka u weyn - kaasi oo ah masjidka ugu weyn dunida - goobtaasi oo ay xilligaasi ka buuxeen dad cibaadaysanayay.

Madaxa waaxda dicaafa madaniga ee Sucuudiga ayaa sheegay in dabeylo iyo roobab xooggan ay sababeen in wiishku uu burburo.

Magaalada Makah ayaa haatan waxa ay isu diyaarinaysaa martigelinta acmaasha Xajka ee sanadlaha ah.

Dabayaaqada bishan ayaa la filayaa in boqolaal kun oo qof oo Muslimiin ah ay gaaraan magaaladaasi iyagoo ka kala tegaya daafaha dunida.

Xigasho: BBC

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM