Suldaan Garaase "Waxaa jirta xaqiraad, mana aqbalayno" [Dhagayso]

Image

1 September, 2015(GO)-Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada Puntland ayaa sheegay inaysan jirin wax tixgalin ah oo loo sameeyo isimid Puntland.

Garaase ayaa sheegay in isimada lagu xaqiro goobaha la isugu yimaado, balse loo baahdo xilliga isku dhacyada oo kaliya.

Suldaan Sicid oo hadalkan ka sheegay xaflad lagu daahfurayay shirkadda Somtel qeybteeda Puntland ayuu xusay inaysan aqbali doonin xaqiraada lagu hayo, oo ay tagi doonto xilliyo ay ka cududaartaan goobaha la isugu yimaado.

Waxa uu sheegay inaysan mucaarad ku ahayn  dowladda Puntland balse uu ka hadlay arimo xaqiiqa ah, waxaana uu ku baaqay inaan loo qayshan markii arini dhacdo ama laga joojiyo xaqiraadda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli shirkii wadatashiga Puntland ee Galkacyo ku soo idlaadey qodobadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen in isimada Puntland ka dhex baxaan siyaasadda.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM