Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo Garowe lagu soo dhoweeyey

Image

Isniin, September 22,2014 [GO]- Waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah Suldaanka beelaha Warsangali.

Suldaanka iyo wafdigiisa oo gaarayey ilaa sodon xubnood ayaa waxaa magaalada Garowe banaankeeda ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan dowlada Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cabdulahi Xaaji Cumar, waftiga ayaa intaas kadib loo galbiyey xarunta madaxtooyada  halkaasoo ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Booqashada Suldaanka ayaa timid maalmo kadib markii kulan loogu magacdaray Guuleed 2 uu beesha Wansangeli ugu soo gabagaboobay degmada Xingalool. Garowe ayaa horey waxaa ugu sugnaa Isimo iyo cuqaal ka yimid gobolada Sool iyo Cayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM