​T-PEC iyo xubno katirsan beesha caalamka oo shiray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kulan ballaaran oo dhexmaray guddiga doorashada Puntland iyo xubno kala duwan oo ka socda dalalka taageera Somaliya gaar ahaan dhinaca dawlad wanaagga iyo nidaamka axsaabta badan ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe.

Shirka oo lagu wada xirirayay qalabka la iska arko ee loo adeegsado shirarka, ayaa dhinaca dawladaha reer galbeedka waxaa uga qaybgalay wakiillo ka socday Midowga Yurub, safaaradaha dawladaha USA, Germany, UK, Finlad, hay'adaha ka shaqeeya arrimaha doorashoyinka iyo xubno kale.

Dhinaca kale, waxaa iyana kulankan qayb ka ahaa wakiillo ka socday xafiiska arrimaha siyaasadda ugu qaabbilsan Somaliya ee Puntand, hay'adaha PDRC, Interpeace, PUNSA,  wakiilka midowga Yurub ee Puntland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara labada dhinac, ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii la isu xogwaraysan lahaa islamarkaana guddigu usoo bandhigi lahaayeen tallaabooyinka ay qabteen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Axmed Maxamed Cali, oo shirkaasi ka jeediyay warbixin dheer ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii uu soo maray guddiga doorashada Puntland laga soo bilaabo markii la dhisay, qorshahooda, hawlaha ugu muhimsan ee waqtigan horyaalla, caqabadaha jira iyo baahiyaha muhiimka ah ee guddiga.

Doodo kala duwan iyo su'aalo ku aaddan sida ugu macquulsan ee loo hirgelin karo mashruuca doorashooyinka Puntland ayaa kulankaas la isku waydaarsaday iyadoo xoogga la saaray caqabadaha iman kara iyo siyaabaha looga badbaadi karo ama looga gaashaaman karo.

Maadaama uu wadahadalkani ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara guddiga doorashada Puntland iyo dawldaha taageera Somaliya, ayaa waxaa lagu ballamay in mustaqbalka dhow lasii wado kulamada islamarkaana la abuuro hannaan wada shaqayn oo dhexmara guddiga doorashada Puntland iyo dalalka maalgeliya arrimaha doorashoyinka Somaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM