Taariikh nololeedka Cabdishakuur Mire Aadan

Image

February 21, 2015 (GO)- Cabdishakuur Mire Aadan wuxuu ku geeriyoodey weerar is-miidaamin ahaa oo mas'uuliyaddiisa Al-shabab shegatay kaasoo lala beegsadey hotelka Central ee ku yaal bartamaha magaalada Muqdisho.

Dhalashada iyo waxbarashada:

Cabdishakuur Mire Aadan wuxuu ku dhashay degmada Qandala ee gobolka Bari 1963dii. Waxbarashada dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay degmada Isku-shuban 1970kii, wuxuuna ku dhamaystay Buulo-Barde 1974. Dugsiga dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho, wuxuuna ka baxay dugsiga sare ee Badda 1982. Kaddib wuxuu ka qalin-jabiyay Kulliyadii Macalimiinta Farsamada qaybta badda isagoo ku takhakhusay Nautical Science (Aqoonta Bad-maaxnimada). Sanadkii 1986 wuxuu macallin ka ahaa dugsigii sare ee badda Muqdisho. Sanadkii 1987 wuxuu shaqaale ka noqday Wasaaraddii Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Somaliya.

Waayihiisii qoraanimada:

Qoraalka wuxuu bilaabay 1982, xilligaasoo uu maqaallo ku qori jirey wargeyskii Xiddigta October. 1985 ayuu qoray qisadii Sooryo-Dhagareed. 1986 wuxuu isku duba riday qoraal sheekooyin gaagaaban waxaana kamid ahaa  Xusuus Caashaq. 1987 wuxuu qoray qiso xiiso badan oo cinwaankeedu ahaa Dhalanteed Jacayl .1988-dii wuxuu qoraalkiisa wax ku lahaa film la oran jiray  Eedaysane, islamarkaana ka ahaa soo saare. Sanadkii 1991 wuxuu ka aas aasay magaalada Kismaayo Wargayska Ilays.

2003 ayuu xubin ka noqday Bahda Qalinleyda Soomaaliyeed "Somali Speaking Pen" isla sanadkaas wuxuu Soo Saaray buugiisa uu ku magacaabay Koboca Islaamiyiinta Somaliya(1952-2002).

Doorkii uu ka qaatey horumarinta warbaahinta Puntland:

2001 wuxuu mulkiile iyo agaasime ka ahaa Radio Midnimo oo laga hirgeliyey magaalada Bosaso. 2008 wuxuu dib u bilaabay Wargayskii Ilays oo weli Bosaso kasoo baxa. Mire wuxuu si joogto ah u dhiirri gelin jirey bahda warbaahinta isagoo siin jirey talooyin iyo tusaaleyaal khuseeya sidii ay khaladaadkooda u sixi lahaayeen shaqadoodana uga dhigi lahaayeen mid hufan 

Waayihiisi siyaasadda iyo xilalkii uu Puntland kasoo qabtey:

Jagooyin kala duwan ayuu ka soo qabtay Dowladda Puntland waxaana kamid ahaa: wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Wasiiru Dowlaha Dekedaha iyo la Dagaalanka Burcad- Badeeda Puntland; la-taliyaha madaxweynaha Puntland, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo maareeyaha Hay'adda NeSHA.

Muddooyinkii u dambeeyey wuxuu ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaana dhowaan loo doortey guddoomiye ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Daljir.

Maxaa lagu xusuusan doonaa?

Cabdishakuur Mire waxaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa qoraa hal abuur fiican leh, siyaasi hadal cad oo aan ka gaban inuu runta ka hadlo jecelna inuu taariikh uga tago dadkiisa iyo dalkiisa iyo in uu saaxiib dhow la ahaa bahda warbaahinta.

Cabdishakuur Mire Aadan wuxuu ifka kaga tegay hal xaas iyo saddex carruur ah oo kala ah labo wiil iyo gabar.

Xigasho: Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM