Taliska Qaybta Booliska Nugal oo shacabka u digay

Image

GAROWE, Puntland- Taliska qaybta Booliiska gobolka Nugal ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Garowe iyo khilaaf kala dhaxeeyay maamulka gobolka, taasoo talisku ku eedeeyay inay la wareegeen shaqadooda.

Taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Nugal, Cabdirashiid Xinjira Dhuuq oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in xaaladda ammaanka Garowe ay tahay mid aad u wanaagsan, waxuuna baaq u diray shacabka caasumadda.

Cabdirashiid, ayaa sheegay in waqtiga roobka uu bato shilalka baabuurta, kuwaasoo doonaysa inay u dalxiis tagaan meel ka baxsan magaalada, wuxuuna ugu baaqay inay yareeyaan arrintaas inta dhulku qalalayo.

Wuxuu xusay in shacabka laga doonayo sidii ay uga shaqayn lahaayeen ammaanka, isagoo xusay in talisku xoojiyay nabad galyada.

Mar wax laga weydiiyay halka uu ku dambeeyay khilaaf kala dhaxeeyay maamulka gobolka Nugal, wuxuu sheegay in arrintaas laga hishiiyay arrintu  u socoto siday rabeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM