Taliyaha Booliska Barri oo qarax lagu diley

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Taliyihii ciidanka booliska gobalka Bari iy saddex qof oo kale ayaa ku dhintay qarax goor dhawayd ka dhacay gudaha taliska qaybta booliska magalada Bosaso.

Wararka soo gaaraya GO ayaa sheegaya Qaraxan inuu sameeyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo gudaha usoo galay qaybta, dadka la dhintay Taliye Muslim waxaa lagu sheegay inay yihiin labo askari iyo darawalkii gaariga u waday.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse ayaa GO u sheegay qaraxan miino inuu ku dhintay Taliyihii ciidanka booliska Gobalka Bari iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii.

Qof goobjooge ah oo ku sugan magalada Bosaso ayaa soo sheegaya in qofka is qarxiyay uu is dhinac taagay Taliye Kornayl Cabdiraxmaan Cali Cabbaas iyo koox ciidan ah oo taagnaa markaasi irida hore ee qaybta waxana dadka dhaawacmay lagu soo waramayaa inaan la xaqiijin karin ilaa iyo hadda.

Ma jirto cid sheegatay weearkan lagu dilay Taliyaha booliska gobalka Bari iyo ciidanka la socday balse weerarada noocan oo kale ah waxaa lagu yaqaanaa kooxda Alshabab oo dagaal adag kula jirta DF.

Kooxda Alshabab ayaa dishay bishii March Taliyihii ciidanka Aaga Galgala Col.Jaamac Afgaduud waxayna sidoo kale qarax kula beegsadeen ciidanka badda Puntland ee magalada Bosaso.

ALshabab ayaa laga saaray magalada Muqdisho 2011 xiligaasi oo dagaalo adag lagu qaaday waxana sidoo kale laga saaray gobalo badan oo ay ka talin jireen.

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM