Taliyaha Booliska G.Nugaal oo xilka la wareegay

Image
Image
Image

October 13, 2014 (GO)- Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Gobalka Nugaal G/sare Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar(Layli) ayaa maanta oo Isniin ah xilka kala wareegay taliyihii hore Cabdiraxmaan Xaaji Abshir.

Munaasibad ay xilalka labadaan masuul kula kala wareegayeen ayaa lagu qabtay xarunta Taliska Booliska Nugaal waxaana kasoo qayb galay saraakiisha ammaanka Puntland.

Taliyihii hore ee Booliska Nugaal G/sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa ka waramay tan iyo intii uu xilkan hayay waxyaabihii u qabsoomay, wuxuna balan qaaday inuu si daacadnimo ku jirto uga shaqayn doono nabadgalyadda Gobalka Nugaal.

Axmed Cabdilaahi Leyli taliyaha cusub ee ciidanka Gobalka Nugaal ayaa sheegay inuu dadaalkiisa la xariira adkaynta amniga uu kor u qaadi doono saldhigyadda Nugaal-na ay xili kasta dadwaynaha u shaqayn doonaan.

Cabdiraxmaan Abshir Faarax taliyihii hore ee ciidanka booliska Gobalka Nugaal ayaa loo magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka ilaaladda canshuuraha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM