Taliyaha Booliska Puntland oo xilka laga qaadey

Image

Wareegto kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa maanta xilka looga qaadey Taliyihii Booliska Puntland Cabdirizaq Maxamud Yusuf Afguduud iyadoo xilkaas si KMG ah loogu magacaabey Cabdidulqaadir Shire Farax Ereg.

Xil Ka qaadistaan ayaa timid labo maalmood kadib markii madaxweynaha Puntland warbixin ka dhageystey guddi loo xilsaarey mashaqadii ka dhalatey gacan saar dhexmarey taliyaha Booliska iyo taliyaha ciidamada Birmadka Afdalow. 

Warbixintaan ayaa waxaa lagu soo gudbiyey Afar qodob oo kala ah; In xilka laga qaado labada Taliye xilka, In masu'uuliyada shilkii ka dhacdey xerada Birmadka Bossaso qaadato dowlad, In dib habeyn lagu sameeyo Booliska Puntland iyo In Taliye KMG ah la magacaabo.

Taliyaha KMG ah ayaa muddo kooban ahaa Taliye ku xigeenka Booliska Puntland isagoo horey isaga casiley gudoomiyaha gobolka Mudug.

Wareegtadaan ayaa lagu sheegey in taliyaha cusub deg deg u soo magacaabo taliyaha ciidamada Birmadka Booliska iyadoo xil ka qaadis lagu sameeyey taliyihii ciidamada Birmadka.

Warsidaha Garowe Online ayaa wax ka qorey maalin ka hor talo soo jeedin Madaxweynaha Puntland u soo gudbiyeen guddi loo xilsaarey baarista shilkii ka dhacey xerada ciidamada Birmadka HALKAN KA AKHRISO MAQAALKAAN 

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM