Taliyaha ciidanka booliiska Somalia oo Carmo ku wajahan

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliiska Somalia ayaa maanta u ambabaxay magalada Carmo ee gobolka Bari.

Safarka taliyaha waxaa ku wehelinaya wasiirka Amniga Puntland, taliyaha ciidanka booliiska iyo saraakiil kale, waxaana ujeedkoodu yahay booqasho ay ku marayaan dhammaan xarumaha booliiska Puntland.

Mas'uuliyiinta ayaa sii maraya magalada Qardho si ay u sii booqdaan xarumaha booliiska degmadaasi, waxaana taliyaha ciidanka booliiska Somaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sheegay xilli 09 Octobar yimi Garowe inuu qiimayn ku samayn doono dhammaan xarumaha ciidanka booliiska Puntland.

Shalay ayuu kormeer ku tagay xarumo dhawr ah oo ku yaalla magalada Garowe caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM