Taliyaha ciidanka booliiska Somalia oo Garowe yimi [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

09 Octobar, 2015(GO)-Taliayaha ciidanka booliiska Somalia oo ay wehelinayaa saraakiil ajnabi iyo Somali isugu jirta ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe ee Caasumadda Puntland.

Safarka Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa lagu sheegay inay tahay qiimayn uu ku samaynayo xaaladda ciidamada booliiska Puntland.

Garoonka diyaaraha Garowe , waxaa ku soo dhaweeyay wasiiro, xildhibaano, taliyaha ciidanka booliiska Puntland, taliska qaybta gobolka Nugal, Gudoomiyaha gobolka, iyo saraakiil kale.

Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Cabdirasaaq Afgaduud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha taliyaha ciidanka booliiska Somaliyeed, wuxuuna xusay inuu u yimi ciidankiisa.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliiska Somalia Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay inuu qiimayn ku samayn doono xaaladda ciidanka booliiska Puntland, maadama dalka Somalia uu qaatay nidaamka Federaalka, dhawaanna casumaad uu ka helay Madaxweynaha Puntland iyo taliyaha booliiska xilli ay ku kulmeen Muqdishu.

Saraakiil ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay iyo ku-xigeenka taliyaha ciidanka booliiska Somalia ayaa booqashada Garowe ku wehelinaya.

Waa safarkii ugu horeeyay taliyaha ciidanka booliiska Somalia uu ku yimaado Puntland tan iyo intii xilkan loo soo magacaabay Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bishii Jullay ee sanadkan loo dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM