Taliyaha ciidanka booliiska Somalia oo Garowe yimi [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

09 Octobar, 2015(GO)-Taliayaha ciidanka booliiska Somalia oo ay wehelinayaa saraakiil ajnabi iyo Somali isugu jirta ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe ee Caasumadda Puntland.

Safarka Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa lagu sheegay inay tahay qiimayn uu ku samaynayo xaaladda ciidamada booliiska Puntland.

Garoonka diyaaraha Garowe , waxaa ku soo dhaweeyay wasiiro, xildhibaano, taliyaha ciidanka booliiska Puntland, taliska qaybta gobolka Nugal, Gudoomiyaha gobolka, iyo saraakiil kale.

Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Cabdirasaaq Afgaduud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha taliyaha ciidanka booliiska Somaliyeed, wuxuuna xusay inuu u yimi ciidankiisa.

Dhanka kale taliyaha ciidanka booliiska Somalia Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay inuu qiimayn ku samayn doono xaaladda ciidanka booliiska Puntland, maadama dalka Somalia uu qaatay nidaamka Federaalka, dhawaanna casumaad uu ka helay Madaxweynaha Puntland iyo taliyaha booliiska xilli ay ku kulmeen Muqdishu.

Saraakiil ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay iyo ku-xigeenka taliyaha ciidanka booliiska Somalia ayaa booqashada Garowe ku wehelinaya.

Waa safarkii ugu horeeyay taliyaha ciidanka booliiska Somalia uu ku yimaado Puntland tan iyo intii xilkan loo soo magacaabay Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bishii Jullay ee sanadkan loo dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM