Taliyaha cusub ee Puntland oo digniin u direy askarta qayisha

Image

10 August, 2015 (GO)-  Taliyaha cusub ee ciidan booliiska Puntland Cabdirasaaq Maxamed Yusuuf oo maanta xilka kala wareegay taliyihii hore Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in meel wanaagsan la keenay howsha ciidanka.

Afgaduud ayaa go'aan ka soo saaray askarigii lagu arko isagoo ku qayilaya goobaha shaqada iyo kantaroolada sharciga la hor keeni doono. 

"Waxaan amrayaa taliska booliska, talista qaybta, hogaamada dhamaan in ay mamnuuc tahay askari inuu ku qayilo goobaha shaqada iyo baraha kantaroolada" ayuu yiri Afgaduud isagoo ka hadlaya goobta xil wareejinta.

Munaasabada xil wareejinta waxaa ka qayb galey wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Booliska Piuntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan Col. Afgaduud u magacaabay taliyaha ciidanka booliiska Puntland isagoo xilka kala wareegey taliyihii hore Jaqanaf oo mudo afar sano ah shaqadaan hayey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM