Taliyaha cusub qaybta gobolka Nugaal oo xilka la wareegay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

21 Septembar, 2015(GO)-Cabdiraxmaan Abshir Faarax oo dhawaan loo soo magacaabay taliyaha qaybta gobolka Nugaal ayaa maanta xilkii la wareegay.

Munaasabad uu ka gayb galay taliyaha ciidanka boliiska Puntland iyo saraakiil kale ayaa lagu qabtay magalada Garowe.

Taliyaha cusub qaybta gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir Faarax ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono ammaanka isagoo fariin adag u diray dadka qaska ka wada caasumadda Puntland ee Garowe.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Farole iyo taliyaha ciidanka boliiska Puntland Cabdirasaaq Afgaduud ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan hormarka gobolka gaar ahaan caasumadda.

Shacabka Garowe ayaa Gudoomiyaha gobolka ugu baaqay inay ilaashaan caruurtooda ka hor intaysan galin falal amni darro, waxaa uu sheegay hadii arrintaasi lagu soo qabto inay la marsiin doono ciqaab adag.

Afgaduud ayaa dhinaciisa ka hadlay dhalinyarada habeenkii Taleefonada furta, waxaana uu sheegay cidii falkaasi lagu helo inay mutaysan doonaan ciqaab adag oo aan la ogaan doonin halka lagu xiro.

Cabdiraxman Abshir Farax ayaa taliyaha qaybta gobolka Nugal loo magacabay markii saddexaad, waxaana arrintani timi ka dib badal lagu sameyay Axmed Cabdullahi Samatar Layli oo loo magacabay taliyaha kuliyadda Carmo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM