Taliyaha guud ee ciidamada Puntland oo xilka laga qaadayo

Image

October 3,2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas  qorsheynayo inuu xil ka qaadis ku sameeyo dhowaan taliyaha guud ee ciidamada Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamed Xirsi "Siciid Dheere"

Xil ka qaadista lagu sameynayo taliyaha ayaa la faliyey iney dhacdo maalmihii lasoo dhaafey balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in lagula taliyey madaxweyne Gaas inuu dib u dhigo tan iyo inta uu kasoo noqonayo safarka uu ku tagayo maalinta Sabtida wadanka Kenya.

Dhaqdhqaaqyo lagu baadi goobayo qofka lagu badalayo taliyaha guud ee ciidamada Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafey ka socdey xafiiska madaxweyne Gaas ee magaalada Galkacayo.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland ayaa warsaxafdeed uu dhowaan bixiyey ku sheegey in mushahar la'aan haysato ciidamada Darawiishta isagoo xusey in hadii aysan madaxda sare wax ka qaban xaalada taagan uu shaqada isaga tagi doono.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey u sheegey ineysan jirin mushahar lagu leeyahay xukuumadiisa islamarkaana ku hanjabey inuu talaabo uu ka qaadi doono ciidmada dhowaan sameeyey gadoodka.

Xerada ciidamada 54aad, Bosaso iyo Galkacayo ayaa ciidamo joogo dhowaan sameeyeen gadood ay kaga cabanayaan mushahar la'aan haysata.

Sareeye Guuto Siciid Dheere oo kamid ah sraakiisha ciidamada taariikhda lama ilaawaanka ah ku leh degaanada Puntland iyo guud ahaan Somalia ayaa kaalin weyn ka qaatey sanadaihii lasoo dhaafey dagaalada lagaga saarayey kooxda ururka Al-shabaab buuraleyda Galgala halka kaalin weyn uu ka qaatey sugida amaanka magaalo madaxda Garowe waqtigii la qabanyey doorashada madaxweynaha sanadkii 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM