Taliyaha qaybta Booliiska Mudug oo diiday Shaqo fariisin lagu sameeyay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Mudug, Cabdiwaaxid Cabdille Warsame, ayaa diiday wareegto kasoo baxday guddiga amniga gobolkaasi, oo xalay sheegay inay shaqo joojin ku sameeyeen kadib markii lagu eedeeyay inuu kasoo bixi waayay waajibaadkii loo igmaday.

Cabdiwaaxid, ayaa waraysi uu siiyay Radio Garowe, kaga soo horjeestay inay ansax tahay habka loo maray waraaqdaas, isagoo sheegay inuu booskaasi ku joogo wareegto Madaxweyne shaqadana kaga tagi karo digreeto kale.

Wuxuu sidoo kale, sheegay in xubnaha ku jira guddiga nabad galyada gobolka Mudug ay is hayaan kadib markii ay isku fahmi waayeen xaaladda magaalada Galkacyo, isagoo ku eedeeyay inay lunsadeen hantidii dowladda islamarkaana si sharci darro ah u iibsadeen dhismayaashii dowaldda sida uu hadalka u dhigay Cabdiwaaxid.

Xubnaha guddigaas ku jira, ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay jabiyeen go'aankii Madaxweynaha ee ku aadanayaa baabuurta xamuulka sida isagoo ku eedeeyay inay amar ku siiyeen in qaab qarsoodi ah loo fasaxo taasina uu ka diiday.

Isagoo sii hadlayay, ayuu sheegay inuu wax kabadalay nabad galyada xarunta gobolka Mudug islamarlaama wada shaqayn fiican la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Taliyaha, ayaa si gooni ah u duray, wasiirka Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyaynta iyo wasiir dowlaha Duulista hawada iyo Garoomada Puntland, kuwaasoo ku dhaliilay inaysan qabsan shaqadooda ee ay faraha kula jiraan sidii ay isaga hor keeni lahaayeen umadda magaalada Galkacyo.

Eedayntan wali kama aysan hadlin guddiga nabad galyada magaalada Galkacyo gaar ahaan xubnaha sida goonida ah loo duray.

Lama oga tallaabada laga qaadi doono diidmada taliye Cabdiwaaxid, balse maaha markii ugu horraysay mas'uul ciidan diido shaqo joojin lagu sameeyay tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas.

Arrintan, ayaa timid xilli magaalada Galkacyo waayadan dambe ka socdeen qorshayaal kala duwan oo ay ugu dambaysay midda lagu kala qaadayo ciidamada labada maamul ee is hor fadhiyay, iyaddo guddi loo saaray xasilinta magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM