Taliyaha qaybta gobolka Nugal oo la magacaabay

Image

17 September, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka boolis-ka Puntland Cabdirasaaq Afgaduud ayaa taliyaha qaybta gobolka Nugal u magacabay Gashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax(Qaan-qaan) oo horey xilkan u soo qabtay.

Magacaabista taliyaha ayaa timidi kadib wadatashi uu kala yeeshay madaxweyne Gaas oo haatan ku sugan magalada Galkacyo taliyaha ciidamada Booliska.

Cabdiraxmaan Abshir Farax ayaa xilkan waxa uu soo qabtay xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Farole, waxa uuna noqonayaa taliye qaybeedkii labaad ee gobolka Nugaal loo magacaabo.

Xilka taliyaha qaybta gobolka Nugaal waxaa hayay Axmed Cabdullaahi Samatar "Layli".

Shalay ayay ahayd markii soo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Nugaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM