Sarkaal ku dhawacmay shil gaari ka dhacay gobolka Bari [Dhagayso]

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa dhaliyay dhawac culus oo soo gaaray labo xidigle Cabdullaahi Geelle oo ka mid ah ciidamo tababar uga yimi gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa qaba dhaawac culus, waxaana la sheegay in loo qaadi doono magalada Hargaysa sida uu Radio Garowe goor dhawayd u xaqiijiyay taliyaha saldhiga bari ee Garowe Cabdisamad Warsame cCiise oo tababar u jooga Carmo.

Gaariga rogmaday, waxaa la socday labo qof, mid kamid ah ayaa soo gaaray dhaawac fudud halka kan kale uusan soo gaarin wax dhib ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM