Taliye ku xigeenka Booliska Puntland oo la dhaawacay

Image

GAROOWE, Puntland - Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland, Bile Faarax Cali ayaa lagu dhaawacay inta u dhaxaysa magaalada Garoowe iyo degmada Tukaraq, ee gobolka Sool.

Sarkaal Ciidanka Puntland katirsan ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Bile Faraax uu ku dhaawacmay Israsaaseyn dhexmartay Illaaladiisa iyo Ciidamo ku sugan Bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Buuro-wadal.

Taliy ku xigeenka ayaa soo gaarey dhaawac fudud, waxaana la dhigay Isbitaalka magaalada Garoowe, halkaasi oo dhaqaatiirta la tacaalaysa dhaawaciisa kusoo waramayaa in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Wali ma jiro wax war ah oo Saraakiisha dowladda Puntland ay kasoo saareen dhacdadan uu ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Booliska. Bile Faarax Cali, ayaa horey ugu dhaawacmay rasaas uu riday Taliyaha Booliska.

October 2017, Bile ayaa ku dhaawacmay rasaas uu taliyaha booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ku riday Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne kadib markii ay isku khilaafeen Shir amni oo ka dhacay Garowe. Halkan ka akhri.

Goobta taliye xigeenku ku dhaawacmay ayaa ahayd hotel uu shir uga socday Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo kuxigeenkiisa, Gudoomiyaha Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada. 

Sanadkii 2016-kii gacan ka hadal dhexmaray Saraakiil Booliska ka tirsan uu dhaawac halis ah ka soo gaaray wasiirkii Amniga xiligaas Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM