Taliye loo magacaabay ciidanka ilaalada garoonka Bosaso

Image

16 December, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland ayaa taliye u soo magacaabay ciidanka ilaada garoonka Bosaso kadib dilkii ALLAHA u naxariistee Xassan Shire Amaan.

Gen: Cabdirasaaq Afgaduud oo la hadlay Radio Garowe ayaa xaqiijiyay magacaabista taliyaha cusub oo lagu magacaabo Gaashaanle Aadan Muuse Jamac oo horay u soo noqday taliyaha saldhigga dhexe ee magalada Garowe, haatanna ka mid ahaa ciidanka ilaada hay'adaha ee loo yaqaan SPU.

Afgaduud ayaa sheegay inuu Aadan ku doortay mas'uuliyad islamarkaana ku tilmaamay shakhsi ka soo bixi kara xilka loo dhiibay, wuxuuna xusaay inay wadaan isku shaandhayn ciidanka garoonka Bosaso iyo garoonka dhawaan dhismihiisa la bilaabayo ee Garowe Airport.

Arrintan ayaa timi kadib dil dhawaan loo gaystay taliyihii ciidanka ilaada garoonka Bosaso Xassan Shire Amaan. Weli gacanta laguma soo dhigin shakhsigii dilay, balse Afgaduud oo wax laga weydiiyay ayaa tilmaamay inay ku raad joogaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM