Taliyihii booliska gobolka Mudug oo is casiley

Image

January 8, 2015 (GO)- Taliyihii qaybta booliska gobolka Mudug Cabdulaahi Shire Dool oo isagoo degmada Bursaalax ku sugan u waramay mid kamid ah idaacadaha maxalliga ah ee Puntland ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Sababo la xiriira cadaalad darro iyo faragelin joogto ah oo lagu hayo shaqadiisa ayuu sheegay in is-casilaadiisu salka ku hayso, inkastoo uu ka gaabsaday faah faahin dheeri ah inuu bixiyo.

Garowe Online ayaa xog hoose ku heshay in sababta Gaashaanle Sare Dool isu casiley tahay kadib markii ay isku dheceen taliye ku-xigeenkiisa ahna taliyaha Ciidanka Birmadka Cabdirashiid Xasan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Cabdulaahi Dool saluugay mushahar la'aanta ciidanka iyo  awooda dheeriga ah ee la siiyey taliye ku-xigeenkiisa isagoo sheegay inuusan hadda kadib sii ahaan karin taliye magac-u-yaal ah maadaama ku-xigeenkiisu ka awood badan yahay.

Maanta waxay ku beegan tahay sanad-guradii 1aad ee kasoo wareegtey markii lasoo dhisay xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxaana xusid mudan in badi shaqaalaha dowaldu muddo dhowr bilood ah wax mushaharaad ah qaadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM