Taliyihii booliska Qardho oo dilay xilli uu howlgal ku jiray

Image
Qardho waa magaalo istiraatiiji ah oo ku taal Bariga soomaaliya gaar ahaan gobolka Karkaar ee Puntland.

QARDHO, Puntland – Cumar Hiiraad Kaatuun, taliyahiyihii saldhiga booliska magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar ayaa waabirigii hore ee Arbacada maanta ah lagu dilay degmadaas sida uu warbaahita u sheegay gudoomiyaha degmada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay dishay koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka.

Gudoomiyuhu ma bixin faahfaafin dheeri ah oo ku saabsan qaabka dilku u dhacay, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Ilo kale oo deegaanka ah ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ragga ku eedeysan dilka taliyaha lasoo qabtay, halka kuwa kelana ay weli ku raadjoogaan ciidamada ammaanka Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa lagu soo warramayaainay goobta gaareen, kadibna ay saameeyeen baaritaano dheeraad ah oo la xiriira dilka taliyahooda.

Xaaladda deggan, waxaana la filayaa in maamulka degmada uu ka warbixiyey dhacdadaas, gaar ahaan dilka loo geystay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho.

Qardho waa magaalo istiraatiiji ah oo ku taal Bariga soomaaliya gaar ahaan gobolka Karkaar ee Puntland.

Deegaanada Puntland oo inta badan ka caagan isku dhacyada hubaysan ayaa mararka qaarkood laga soo wariyaa isku dhacyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo ku sugan degmooyinka qaarkood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM