Taliyihii Sirdoonka dowladda Puntland ee gobolka Mudug oo la dilay

Image

GAALKACYO, Puntland - Taliyihii nabad-sugida dowladda Puntland ee gobolka Mudug, Col Xaashi Aadan Cilmi, ayaa lagu dilay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolkaas.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo baraha afkeeda ku hadla ee internet-ka kuna faafiso wararkeeda ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkan.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo dhanka ammaanka ah, marxuumka ayaa lagu toogtay meel u dhow hoygiisa xaafada Suuqa Barwaaqo ee waqoyga Gaalkacyo.

Ciidamada amniga oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa xaqiijiyey in ay baxsadeen gacan ku dhiigleyaasha oo ay tibaaxeen in ay ku raad-joogaan soona qabanayaan.

"Rag bastoolad ku hubeysanaa ayaa dilay waxyar kadib salaadii," sidaas waxaa mareega GO khadka telefoonka ugu sheegay goobjooge codsaday in aan magaciisa la adeegsan.

Gaalkacyo, xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa kawada armiya maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ka tirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Labada maamul oo kawada shaqeeya amniga, horumarka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa waxaa ugu kala magacaaban mas'uuliyiin fuliya adeegyada dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM