Tartan kubadda Kolayga ah oo Garowe lagu soo xiray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

28 December, 2015(GO)-Waxaa magalada Garowe lagu soo gaba gabeeyay tartankii ugu horeeyay kubadda Kolayga degmada Garowe tan iyo markii la asaasay xiriirka kubaddaasi labo bilood ka hor.

Cayaartan oo socotay saddex bari waxaa loo qabtay afar kooxood oo laga soo xulay caasumadda Puntland, waxaana lagu xijin doonaa gobollada cayaaro dhawaan lagu qaban doono gobollada Bari,Karkaar iyo Mudug.

Ujeedka tartankan ayaa xiriirku ku sheegay soo noolaynta cayaarta gacanta laga dheelo ee Basket Ball-ka, waxayna tilmaameen in dhawaan samayn doonaan horyaalka guud ee Puntland.

Koobkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xiriirka kubadda Kolayga Puntland oo kaashanaya wasaaradda cayaaraha iyo UNFPA, waxaana munaasabad lagu soo afmeerayay tartankan lagu qabtay xarunta farsamada gacanta Garowe oo koobku ka socday, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin kasocota wasaaradda Cayaaraha, Xanaanada Xoolaha iyo rugta ganacsiga Puntland.

Wasiirka wasaaradda Shaqada Shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaa tartankan iyo hawsha xiriirku billaabay, isagoo tilmaamey inay gacan ka gaysan doonaan qaabkii kor loogu qaadi lahaa sumcadda Kolayga.

Dhinaca kale qaar kamida mas'uuliyiinta dowladda gaar ahaan wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Puntland Cabdiwali Seed ayaa xusay inuu sameeyay labo kooxood oo dheela kubadda Kolayga, wuxuuna ganacsatada ugu baaqay inay dhiiri galiyaan dhalinyarada arrintan xiisaynaysa.

Gaba gabadii koobka ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyay dhalinyarada iyo kooxda koobka qaaday oo ku ciyaaraysay magaca Rugta Ganacsiga Puntland, waaana qabsoomidda cayaartan gacan ku lahayd hay'adda UNFPA.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM