Tigey oo soo dhoweeyey xil ka qaadista lagu sameeyey [Dhegeyso]

Image

April 7, 2015 (GO)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa ka hadley xil ka qaadistii uu maanta ku sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Tigey oo isagoo Buuhoodle ku sugan waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista lagu sameeyey isagoo xusey in xilku meerto yahay.

Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub iyo dhammaan dadkii lasoo shaqeeyey muddadii uu xilkaas hayey. Si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Wareegto maanta kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa xilka looga qaadey guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey. Isla wareegtadaas ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Mudug loogu magacaabey Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg oo isagu horay uga tirsanaa booliskii Soomaaliya muddo dheerna qurbaha ku noolaa.

Maxamed Yuusuf Tigey ayaa muddo afar sano ah soo ahaa guddoomiyaha gobolka Mudug, waxaana sanadkii 2011 xilkaas usoo magacaabey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM