Tigey oo soo dhoweeyey xil ka qaadista lagu sameeyey [Dhegeyso]

Image

April 7, 2015 (GO)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa ka hadley xil ka qaadistii uu maanta ku sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Tigey oo isagoo Buuhoodle ku sugan waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista lagu sameeyey isagoo xusey in xilku meerto yahay.

Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyey guddoomiyaha cusub iyo dhammaan dadkii lasoo shaqeeyey muddadii uu xilkaas hayey. Si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Wareegto maanta kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa xilka looga qaadey guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey. Isla wareegtadaas ayaa waxaa xilka guddoomiyaha gobolka Mudug loogu magacaabey Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg oo isagu horay uga tirsanaa booliskii Soomaaliya muddo dheerna qurbaha ku noolaa.

Maxamed Yuusuf Tigey ayaa muddo afar sano ah soo ahaa guddoomiyaha gobolka Mudug, waxaana sanadkii 2011 xilkaas usoo magacaabey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM