Tiktokerkii qabsaday Abaanduulihii ciidamada Somaliland!

Image
Image
Image
SAWIRKA: Baraha Bulshada

LAASCAANO, Soomaaliya - Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa kadib dagaaladii maanta waxaa ay la wareegeen ilaa deegaanka Guumeys oo ku dhaw degmada Oog oo ah halkii ay Garaadadu horey u dalbadeen in ciidamada Somaliland la geeyo.

Taliyaha hawlgelinta ciidamada Somaliland ahaana sarkaalkii u sareeyay ee Goojacadde ku sugnaa, Feysal Cabdi Bootaan ayaa ciidamada SSC-Khaatumo ay gacanta ku dhigeen.

Hadaba sheekada layaabka leh ayaa ah in ciidamadii u horeeyay ee Feysal soo bandhigay iyo sawirada laga qaaday uu ku jiro tiktoker caan ka ah baraha bulshada.

Ninkaan oo aalada Facebook kusoo gala "Maan Samatar Baxnaan" ayaa Garowe Online ay ogaatay in uu Awoowe u yahay gabyaagii Samatar Baxnaan.

Ninkaan dhalinyarada ah ayaa hadal hays u qaatay maanta "Tiktokerkii Taliyaha qabsaday".

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin dagaalkii maanta iyo jabka ciidamadiisa gaaray iyada oo horey looga bartay in markiiba ay ka hadlaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM