Tirada dadka ay Puntland u karantiishay Covid-19 oo korortay

Image

GAROWE, Puntland - Todoba qof oo looga shakiyey Coronavirus ayaa maanta lagu baarey degaanada Puntland, sida uu shaaciyey Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortaga faafitaanka cudurka.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta shaqsiyaadka lagu tuhmay ee haatan ku jira gacanta dowladda ay gaareyso 20. Jawaabahooda waxaa la filayaa in ay dhowaan soo baxdo.

Shalay ayay ahayd markii la karantiiley sagaal qof oo horleh. Isla shalay, waxaa geeriyooday bukaan lagu tuhunsanaa caabuqa, balse aysan wali soo bixin natiijada baaritaankiisa.

Dheecaanada baarista ayaa loo diraa dalka dibadiisa, maadaama uusan gudaha waddanka yaalin sheybaarka sidda rasmiga ah u soo bandhiga xaqiiqada cudurka.

Guud ahaan Soomaaliya, tiradda kiisaska xanuunka waa 286, sidda ay warisay Wasaaradda Caafimaadka federaalka, oo intaas ku dartay in tirada dhimashadda ay tahay 15 ruux.

Dhanka kale, warbixinta maalin laha ee guddiga Puntland ayaa ku boorisay qof kasta oo isaga shakiya xanuunka in uu tago goobaha lagu baaro si loo hubiyo in uu la nool yahay iyo in kale.

Dadweynaha Puntland waxaa cod dheer looga dalbaday in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad ee looga baaqsan karo fayruska si lamid ah in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakuladda.

WARBIXINTA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM