Garowe oo si weyn looga dabaaldegay xuska 1-da August

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo marti sharaf kale ayaa barxadda weyn ee Garowe waxay uga qeybgalayeen dabaaldega maalinta aas-aaska Puntland.

Xafladda oo ahayd mid si heer ah loosoo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-qaatay dhinacyadda kala duwan ee loo diyaariyey in ay kasoo muuqdan munaasabadda.

 

Ciidamada Qalabka Sidda qaybahooda kala duwan ayaa dhoolatus waxay kusoo bandhigeen xafladda, iyaga oo salaan sharaf ka qaatay madaxweynaha dowladda Puntland.

Amniga ayaa wuxuu ahaa mid aad loo adkeeyay, iyadda oo lamaaha ammaanka la geliyay heegan sarre, waxaan xuska uu ka qabsoomay magaalooyinka waaweyn ee maamulkan.

Xaflad kale ayaa waxaa la filayaa in ay caawa ka qabsoonto Madaxtooyadda Garowe, halkaasi oo uu madaxweyne Deni ka jeedin doono kalmadiisa ku aadan munaasabadan.

Bishii August sanadkii 1998-dii ayaa la aas-aasay Puntland, taasi oo ka dhigeysa maamulka ugu da'da weyn kuwa ka jira guud ahaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya.

Yag-leelida Puntland ayaa waxay ka dambeysay ka gedaal markii ay fashilmeen shirar looga hadlayey dowladnimada Soomaaliya kadib burburkii sanadkii 1991-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM