Kalfadhiga 45aad ee baarlamaanka dowladda Puntland oo furmay

Image

GAROWE, Puntland - Kalfadhiga 45aad ee Golaha Wakiiladda dowladda Puntland ayaa maanta oo Sabti ah waxaa si rasmi ah u furay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabada oo aad loosoo qaban-qaabiyey si toos ahna looga baahiyey warbaahinta waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin ka kala socotay hay'addaha kala duwan ee dowladda Puntland.

Cabdixakiim Dhooba Daareed, afhayeenka Golaha Wakiiladda Puntland oo xafladda ka hadlay, ayaa shaaciyey in ay rajeynayaa in ay kalfadhigan ku meelmariyaan shuruuc dhowr ah.

Madaxweyne Deni ayaa kula dardaarmay Xildhibaanadda in ay waajibaadkooda si wanaagsan u gutaan, isaga oo caddeeyay in xukuumadiisa ay si wanaagsan ula shaqeyn doonto.

Puntland oo ah maamul goboleedka ugu da'da weyn federaalka Soomaaliya ayaa bud-dhig u ah nidaamka federaalka ah ee ka tisqaadey guud ahaan geyiga Soomaaliya.

Xukuumada federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaliilayaa in ay kasoo horjeedo nidaamkan, isla markaana ay dowladaha xubnaha ka ah cadaadiso.

Deni ayaa sidoo kale wuxuu ku nuux-nuux saday in xukuumadiisa ay sarre u qaadeyso amniga, dagaalka ka dhanka ah argagixisadda iyo waliba kobaca dhaqaalaha.

Hoos ka daawo muuqaalka munaasabadda

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM