Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo ka furmay magaalada Garowe

Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo si weyn loo agaasimay ayaa maanta oo Axad ah wuxuu si rasmi ah uga furmay magaaladda caasimadda ah Garowe.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Shirka, kaasoo ay ka qeybgalayaan mas'uuliyiin isugu heer maamul goboleed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ka qeyb-galeyaasha waxaa kamid ahaa siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Dowladda Dhexe, kuwaasoo soo ajiibay martiqaad ka qeybgal ee loo fidiyey.

Deni ayaa intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta carabka ku adkeeyay in shirka uu yahay mid ay aayahooda kaga tashanayaan bulshada ku midowday dhismaha Puntland.

Madasha oo maalmo socon doonta waxaa qorshuhu yahay in gabagabada laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii leysku raacay mudadii uu socday.

Isagoo hadalkiia sii wata, Deni ayaa ku eedeeyay Dowlada Soomaaliya in ay u awood-sheeganeyso maamul goboledyadda isla markaana si ku talagal ah u baalmartay dastuurka.

Xubnaha kala duwan ee goobta ka hadashay ayaa bogaadiyey qabsoomida kulanka, iyagoo rajeeyay in uu kasoo baxo natiijo fiican oo xoojisa dowladnimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM