​Turkiga: Askartii weerartay Erdogan oo la qabtay

Image

ANKARA, Turkey: Warar ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay 11 kamid ah askar la sheegay inay weerareen hotel uu daganaa madaxweyne Recap Dayib Erdogan xilligii u dhacay Afgambigii dhicisoobay 15 July.

Raggan oo katirsanaa ciidamada Kumaandoosta dalkaas ayaa la sheegay inay muddo baxsad ahaayeen iyagoo markii dambe laga helay magaalada dalxiiska ee uu Edogan ku sugnaa xilliga inqilaabku dhacay.

Warark ayaa sheegaya in raggaas tageen hotelka xilli madaxweynuhu meesha ka baxay kadib markii uu helay xog sheegay inay kusoo wajahanyihiin koox isaga loosoo diray.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aanay cidina wadin loo adeegsaday in lagu raadiyo ciidammadaasi baxsadka ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii dadka deegaanka oo ka ugaarsanayay keyn halkaa ku taal ay raggaasi ku arkeen oo ay soo sheegeen

Xariga maanta ah ayaa ah kii ugu dambeeyey olole ka dhan ah dadka lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen weerarka.

Dowladda Turkiga ayaa shaqada ka ceyrisay 1,400 oo shaqaale Milatari ah oo u ku jiro la-taliyihii dhinaca milatariga ee madaxweyne Erdogan.

In ka badan 50,000 oo qof ayaa dalka Turkiga lagu xiray tan iyo markii uu fashilmay isku daygii afgambi ee dalkaas, waxaana dadkan gebigood lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen weerarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM