Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo saaka Gal-dogob lagu aasayo

Image

November 10, 2014 (GO)- Waxaa saaka degamada Gal-dogob ee gobolka Mudug lagu aasayaa AHN Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo ahaa isimka guud ee beelaha Tanade (Leel-kase) oo shalay ku geeriyoodey isla degmada Gal-dogob.

Aska Ugaas waxaa ka qayb gelay mas'uuliyiinta ugu sareeya Dowlada Puntland, isimo, culimaa'udiin, aqoon yahano iyo boqollaal kamid ah dadweynaha degmadaas ku dhaqan.

Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo kamid ahaa isimada soo jireenka ah qaybta weyna ka qaatay dhismaha Puntland, wuxuu sanadkii 1938 ku dhashay degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Xilka waxaa si rasmi ah loogu caleema saaray sanadkii 1998, markaasoo aabihiis Ugaas Maxamed geeriyoodey. Kahor intaan lagu caano shubin, ugaasku wuxuu mudo 10 sano ka badan si kumeel gaar ah u hayey xilka maadaama aabihiis mudo dheer xanuunsanaa.

Faah faahin ku saabsan aaska ugaaska iyo sawiradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM