Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo Galdogob lagu aasay

Image
Image
Image
Image

November 10, 2014 (GO)- Degmada Galdogob waxaa maanta lagu aasay -AHN- Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali Geesood oo isla shalay degmadaas ku geeriyoodey.

Aaska waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isimo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah.

Madaxweyne Gaas oo goobtii aasku ka dhacayey si kooban uga hadlay, wuxuu marxuumka Ilaah uga baryey inuu naxariista janno ka waraabiyo dhamaan eheladii uu ka tegey iyo dhamaan dadka reer Puntlandna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo kamid ahaa isimada soo jireenka ah qaybta weyna ka qaatay dhismaha Puntland, wuxuu sanadkii 1938 ku dhashay degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Xilka waxaa si rasmi ah loogu caleema saaray sanadkii 1998, markaasoo aabihiis Ugaas Maxamed geeriyoodey. 

Kahor intaan lagu caano shubin, ugaasku wuxuu mudo 10 sano ka badan si kumeel gaar ah u hayey xilka maadaama aabihiis mudo dheer xanuunsanaa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM