UN-ka oo ka hadlay socdaalka la filayo in uu Deni ku tago Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyey socdaalka la filayo in uu madaxweynaha Puntland ku tago caasimadda Muqdisho.

Barta Twitter-ka ee howlgalka ayaa lagu xusay "in ay farxad tahay" in wafdiga dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalay Shirka Wadatashiga Puntland ay soo dhaweeyeen safarka aan wali la muddeyn.

"Waxaan dhowreynaa kulanka u dhexeeya Madaxweyne Deni & Madaxweyne Farmaajo si loo sii hormariyo wadahadalada danaha heerka qaran," ayaa lagu soo xiray qoraalka UNSOM oo ka koobnaa 41 xaraf, guud ahaan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiistii shaaciyey in uu u tagayo magaala madaxda waddanka si uu ugu gogol-xaaro shirka uu ku casuumay madaxda dowladda iyo maamulada.

Isagoo wariyeyaasha la hadlay kadib Shirka Golaha Wasiiradda, Deni ayaa intaas ku daray in uu booqan doono xarumaha dowlad goboleedyadda si uu qanciyo kasoo qeybgalka shirkaas.

Gogosha ay Puntland fidisay Garowe oo lagu waddo in looga hadlo "xaaladaha cakiran ee qaranka" ayaa qeyb ka ahayd qodobadii kasoo baxay Shirka Wadatashiga Puntland oo saddex casho socday.

Taageerada ay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa u muujisay booqashada uu Deni ku tago Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xili Puntand ay meesha ka saartay in ay madaxda dowladda federaalka kala xaajooneyso khilaafka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM