UN-ka oo loogu baaqay in uu dadajiyo kaalintiisa gurmadka Qardho

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa ugu baaqdey Qaramada Midoobay in ay dadajiso kaalinteeda gurmadka magaalada Qardho oo ay todobaadkan kusoo rogmadeen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah.

Sidoo kale, hay'addaha caalamiga ah ayaa dhankooda lagu booriyey in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan kaga soo jawaabaan baaqyadda ku saabsan gargaarka la gaarsiinayo shacabka u baahan.

Baaqaan ayaa loogu diray dhinacyaddaan qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland kaas oo lagu soo bandhigay habraaca loo marayo gargaarka kaas oo loo xil saarey guddiyo kala duwan oo ay ku jiraan wasiiro.

Dhanka kale, guddiga gurmadka Qardho ee dowladda Puntland ayaa ku booriyey mutadhawiciinta ka qeyb-qaadaneysa dedaalada socda in ay sadaqadooda kusoo shubaan Akoonada dowladdu sameysay.

Daadadkii kusoo rogmaday Qardho ayaa sababay dhimashadda lix qof oo shacab ahaa. Saddex caruur ah ayaa ku jirta. Tobanaan kale oo lagu la'aa fatahaadaha ayaa la helay, sidda ay mas'uuliyiin sheegeen.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo tegay magaaladda ayaa balanqaadey in xukuumadda ay si muuqata uga qeyb-qaadan doonto siddii nolosha dadka loogu soo celin lahaa siday ahayd kahor daadadka.

Muuqaalo laga soo qaadey Qardho ayaa muujiyey in daadadku burbur u geysteen waddooyinka qaar, xarumo ganacsi iyo guryo, taas oo dhalisay barakac dadweyne, kuwaas oo haatan si ku meelgaar ah ugu nool goobo kale.

Hoos ka akhiro warbixinta guddiga oo dhan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM