UN-ka oo loogu baaqay in uu dadajiyo kaalintiisa gurmadka Qardho

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa ugu baaqdey Qaramada Midoobay in ay dadajiso kaalinteeda gurmadka magaalada Qardho oo ay todobaadkan kusoo rogmadeen daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah.

Sidoo kale, hay'addaha caalamiga ah ayaa dhankooda lagu booriyey in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan kaga soo jawaabaan baaqyadda ku saabsan gargaarka la gaarsiinayo shacabka u baahan.

Baaqaan ayaa loogu diray dhinacyaddaan qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland kaas oo lagu soo bandhigay habraaca loo marayo gargaarka kaas oo loo xil saarey guddiyo kala duwan oo ay ku jiraan wasiiro.

Dhanka kale, guddiga gurmadka Qardho ee dowladda Puntland ayaa ku booriyey mutadhawiciinta ka qeyb-qaadaneysa dedaalada socda in ay sadaqadooda kusoo shubaan Akoonada dowladdu sameysay.

Daadadkii kusoo rogmaday Qardho ayaa sababay dhimashadda lix qof oo shacab ahaa. Saddex caruur ah ayaa ku jirta. Tobanaan kale oo lagu la'aa fatahaadaha ayaa la helay, sidda ay mas'uuliyiin sheegeen.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo tegay magaaladda ayaa balanqaadey in xukuumadda ay si muuqata uga qeyb-qaadan doonto siddii nolosha dadka loogu soo celin lahaa siday ahayd kahor daadadka.

Muuqaalo laga soo qaadey Qardho ayaa muujiyey in daadadku burbur u geysteen waddooyinka qaar, xarumo ganacsi iyo guryo, taas oo dhalisay barakac dadweyne, kuwaas oo haatan si ku meelgaar ah ugu nool goobo kale.

Hoos ka akhiro warbixinta guddiga oo dhan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM