UN: Puntland way ka go'an tahay hir-gelinta doorasho qof iyo cod

Image

GAROWE, Puntland – Shir looga hadlayo hir-gelinta nidaamka xisbiyada badan ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu ka furmay xarun goboleedka Nugaal.

Shirkaasi oo si lamid ah lagu gorfeynayo sidii degaanada Puntland uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah ayaa soconaya mudo maalmo ah.

Madax ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha, xubno ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo marti kale ayaa ka qaybgaleysa.

Sarkaal ka tirsan xafiiska UNSOM ayaa ka sheegay madasha furitaanka in ay ka taageerayaan Puntland hir-gelinta doorasho qof iyo cod iyo nidaamka axsaabta.

"Puntland [hooyada federaalka Soomaaliya] way ka go'an tahay hir-gelinta nidaamka xisbiyada iyo doorasho qof iyo cod," ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkaan.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne Deni ayaa horey u balanqaaday in ka shaqeynayso sidii sanadka 2023-ka talada loogu soo celin lahaa shacabka.

Maamulkii Cabdiwali Cali Gaas ayaa ku guuldareystay in uu hir-geliyo nidaamkaasi taasoo ka dambeysay markii la meel marin waayey balanqaadyadii la sameeyey

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wacad ku maray in uu xididaha u siibayo lunsashada hantida dadwaynaha iyo kooxaha argagixisada ah ee amniga khatarta ku ah.

Puntland ayaa isku daydey hirgalinta barnaamijkaan sanadkii 2013 balse waxaa horistaagey siyaasiyiin dano gaar ah leh.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM