Urur siyaasadeedka UDAD oo durey siyaasada Madaxwayne Gaas

Image

Garowe [GAROWEONLINE]- Gudoomiyaha urur siyaasadeedka UDAD Siciid Faarax Sanwayne oo shir jaraa'id ku qabtay magalada Garowe ayaa dowladda Cabdiwali Cali Gaas ku dhaliilay inaysan hirgalin nidaamka Dimoqraadiyadda oo sida balantu ahayd la rabay in sanadkan la sameeyo guddiga doorashada ee howshan gacanta ku qaban lahaa.

Ururkan uu madaxda ka yahay Siciid Sanwayne ayaa ka mid ahaa ururaddii la hirgaliyay xiligii uu madaxwayne Farole bilaabay doorashadda axsaabta balse markii danbe madaxwaynuhu uu go'aan ku gaaray in la joojiyo maadama la carqaladeeyay sanaadiiqdii doorashada.

''Arrimaha aan ku dhaliilayo xukumadda hada jirtaa waxaa ugu waa wayn arrimaha dimoqraadiyadda, la-dagaalanka musuqmaasuqa, dhinaca maamul wanaaga, arrimaha Dastuurka Puntland, arrimaha Federaalka iyo arrimaha dhaqaalaha,'' qodobadaan kaga hadley shirkiisa jaraa'id.

Sanwayne oo arrimaha Dimoqraadiyadda ka hadlayay ayaa sheegay dowladda Gaas inay ku guul daraystay  hirgalinta waqtigii loogu talagalay inuu hirgalo nidaamka xisbiyada si dadka loo gaarsiiyo arimaha oo u baahan wacyi galin faro badan.

''Wasaradda Federaalka iyo dimoqraadiyada waa sax way jirtaa balse Dimoqraadiyadda laftigeeda oo Wasaradda lagu daray muran baa ka jira, guddi gaar ah bay leedahay Dimoqraadiyadda walina lama magacaabin, waxan filaynay in gollayaasha deegaanku, gudoomiye-yaasha degmada iyo tuulooyinka cod toos ah lagu soo doorta balse ilaa iyo hada ma hirgalin''.

Arrimaha kale ee uu Siciid Faarax ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah arrimaha dhaqaalaha sida canshuur qaadista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM