Ururka MAP oo cambaareeyey xarigga wariyeyaasha Daljir

Image

May 23, 2015 (GO)- Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa cambaareeyey xarigga agaasimihii iyo tifatirihii Radio Daljir Garowe oo maanta ciidamada booliska gobolka Nugaal xabsiga dhigeen.

Guddoomiyaha Ururka MAP Feysal Khaliif Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u cambaareeyey xarigga lagula kacay Agaasime Cabdiraxmaan Xuseen Gaardi iyo Tifatire Jamaal Faarax Aadan.

Barre aya dhanka kale Dowladda ugu baaqay inay si shuruud la'aan ah labadaas weriye xoriyaddooda dib ugu soo celiso.

"dowladda waxan ugu baaqeynaa inay dib xoriyaddooda ugu soo celiso labadaas weriye, maadaama lagu xirey qaab sharci ahayn...dowladdu waa inay dhowrtaa madax bannaanida saxaafadda" Guddoomiyaha MAP Feysal Khaliif Barre ayaa sidaas yiri.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed Tall-Man ayaa sheegay inay xadgudub tahay in sabab la'aan loo xiro wariyeyaal ku dhex jira hawl-maalmeedkooda caadiga ah.

Wuxuu sidoo kale beeniyey in idaacadda Daljir laga sii daayey war liddi ku ah barnaamijka isgoo xusey in Daljir had iyo jeer u taagan tahay baahinta wararka xiisaha leh ee ka qayb qaadanaya horumarka iyo xoojint amniga.

Xarigga agaasimaha iyo tifatiraha Daljir Garowe ayaa kusoo aadaya afar maalmood kaddib amrkii Puntland muddo kooban shaqada ka joojisey Telefishinka Qaranka SNTV.

Waxaa xusid mudan, in ballanqaadyadii uu sameeyey Madaxweyne Gaas markii la doortey ay qayb ka ahayd inuu ilaalin doono xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM