Ururka saxaafadda Puntland oo cambaarayay xarigga Wariye Deparani

Image

 19 November, 2015(GO)-Gudoomiyaha ururka saxaafadda Puntland oo hadalkiisa caro ka muuqatay ayaa maanta ka hadlay xariga looga gaystay wariye Jaamac Yuusuf Deparani oo ciidamada amniga goor dhaweyd xabsiga u taxaabeen.

Faysal Khaliif Bare, ayaa tilmaamay in dowladdu soo dhaaftay xadkeeda una muuqato mid ku tumatay dastuurka dalka u yaalla.

"Waawareey, waawareey, way soo dhaaftay sheekada maanta ka jirta Puntland mid la dhagaysan karo ama la maqli karo ama loo dul qaadan karo, guud waxay maraysaa xaaladdu inaan qof codkiisa iyo xoriyadiisa ku hadlaa uusan jirin," Ayuu gudoomiyaha MAP.

Barre, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu cambarayn dusha uga tuurayo xariga wariyaha, isagoo xusay inuusan lahayn wax dambi ah.

Dowladda, hay'adaha caalamiga ayuu ugu baaqay inay arrintan wax ka qabtaan, isagoo xusay in wasiirka warfaafinta Puntland Soocade sharciga marsiiyaan maadama dastuurka dalka ku tumanayo.

Arrintan ayuu xusay inay keenayso qaska dalka iyo dadka Puntland iyo mudada 17 sano ku dhex noolaa amni iyo xasilooni.

Xariga Jamac Deparani, ayaa salka ku haya waraysi kala duwan oo la yeeshay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia iyo kan warfaafinta Puntland, oo ka kala hadlay arrimo ku saabsan Somalia iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM