Ururka saxaafadda Puntland oo cambaarayay xarigga Wariye Deparani

Image

 19 November, 2015(GO)-Gudoomiyaha ururka saxaafadda Puntland oo hadalkiisa caro ka muuqatay ayaa maanta ka hadlay xariga looga gaystay wariye Jaamac Yuusuf Deparani oo ciidamada amniga goor dhaweyd xabsiga u taxaabeen.

Faysal Khaliif Bare, ayaa tilmaamay in dowladdu soo dhaaftay xadkeeda una muuqato mid ku tumatay dastuurka dalka u yaalla.

"Waawareey, waawareey, way soo dhaaftay sheekada maanta ka jirta Puntland mid la dhagaysan karo ama la maqli karo ama loo dul qaadan karo, guud waxay maraysaa xaaladdu inaan qof codkiisa iyo xoriyadiisa ku hadlaa uusan jirin," Ayuu gudoomiyaha MAP.

Barre, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu cambarayn dusha uga tuurayo xariga wariyaha, isagoo xusay inuusan lahayn wax dambi ah.

Dowladda, hay'adaha caalamiga ayuu ugu baaqay inay arrintan wax ka qabtaan, isagoo xusay in wasiirka warfaafinta Puntland Soocade sharciga marsiiyaan maadama dastuurka dalka ku tumanayo.

Arrintan ayuu xusay inay keenayso qaska dalka iyo dadka Puntland iyo mudada 17 sano ku dhex noolaa amni iyo xasilooni.

Xariga Jamac Deparani, ayaa salka ku haya waraysi kala duwan oo la yeeshay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia iyo kan warfaafinta Puntland, oo ka kala hadlay arrimo ku saabsan Somalia iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM