Ururka Saxafiyiinta Puntland oo Dooranaya Guddoomiye

Image

GAROWE- Ururka Suxufiyiinta Puntland ayaa maanta waxa ay dooran doonaan Hogaanka Ururka Warbahinta Puntland ee MAP hogamin lahaa 3Sano ee soo socota.

Gudoomiyaha ururkan ayaa waxaa u istaagey 3 musharax kuwasoo kala ah; Mahomed Daahir Caynsane, Mohamed Mahamud Haji (Wel Hajji), Abaadir Cabdulqaadir Cilmi.

Gudoomiyaha cusub ayaa bedali doona Faysal Barre oo muddii 3 sano ee la soo dhaafay ururka hogaaminayey isagoo shaaciyey in uusan markale xilka u tartami doonin.

Dhinaca kale ururka saxafiyiinta Puntland ayaa dooran doona Xoghaya ururka iyadoo ilaa iminka ay u taagan tahay Nasro Abdirizak
Ururkaan ayaa sidoo kale waxaa uu dooran doonaa Gudoomiye ku xigeen, khasnaji iyo iyo Shan xubnood oo ka mid noqon doona Gudiga fulinta.

Ergooyinka dooran doona Gudomiyaha ururka, ku xigeenadiisa, Xoghayaha iyo xubnaha ka ayaa gaaraya 100 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM