Ururka Warbaahinta Puntland oo hogaan cusub yeeshay

Image

GAROWE, Puntland – Ururka Warbaahinta Dowladda Puntland ee MAP ayaa Axada maanta ah wuxuu yeeshay hogaan cusub oo xilka sii hayn doona saddexda sano ee nagu soo fool leh, sidda uu xeerinayo xeerka ururkaas.

Maxamed Daahir Warsame Caysane ayaa markii labaad oo xiriir ah waxaa loo doortey guddoomiyaha MAP. Doorashadda waxay ka dhacdey shirweynaha 4aad ee ururka oo ku qabsoomay magaaladda Garowe.

Caysane oo aan lala tartamin wuxuu saddexdii sano ee lasoo dhaafay uu dedaal badan geliyey u ololeynta xuquuqda warbaahinta ee Puntland.

Sidda uu ku dhawaaqay guddiga doorashooyinka, Caysane waxaa u coddeysay 105 xubnood oo kamid ahayd 117 ergo oo soo xaadirtay shir-weynaha, waxaa ka aamustey lix, halka uu diidmo u coddeeyay hal ruux kale.

Guddiga doorashadda ayaa intaas ku daray in shirweynaha ay ka maqnaayeen afar xubnood oo ergadda kamid ah ayna xumaadeen laba cod kale.

Dhanka kale, Maxamed Daahir Yuusuf [Saalim] ayaa loo doortey guddoomiye ku xigeenka, isaga oo helay 58 cod, wuxuuna ka adkaadey Cabdirashiid Bashiir Maxamuud [Gambool] oo uruursaday codad gaaraya 53.

Shirweynaha Ururka Warbaahinta Dowladda Puntland waxaa Sabtidii daahfuray madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni kaasoo kula dardaarmay ergada doorashadda in ay hogaanka cusub ay ku xushaan karti iyo wax-qabad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM