W. Amniga oo shuruudo ku xirtey ajaanibta soo gelaya PL

Image

November 17, 2014 (GO)- Wasaaradda Amniga Puntland ayaa soo saartay amaro khuseeya dadka ajnebiga ah ee safarrada shaqo ama dalxiiska u imaanaya deegaanada Puntland.

Agaasimha guud ee wasaaradda Cabdi khadar Muuse Guure oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Garowe ayaa faah faahin ka bixiyey amaradan iyo sababta xilligan kusoo beegtay.

Guure wuxuu sheegay inaysan ahayn kuwo cusub balse yihiin xeerar horay loo dejiyey dastuurkuna qabo kuwaasoo dhaqan gelintooda iyo in la xoojiyo xiligan lagama maarmaan loo arkey.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in la adkeeyey shuruudihii lagu xiri jirey ajaanibta soo gelaya deegaanada Puntland lagana dhigay sidan:

  • In qofka ajnebiga ahi leeyahay ama haysto Passport sharci ah oo ugu yaraan lix bilood dhicitaankiisa ka harsan tahay.
  • In qofka ajnebiga ahi wato aqoonsiga hay'adda ama shirkadda uu ka tirsan yahay ama uu wataa nuqul kamid ah heshiiska uu la galay.
  • In qofka ajnebiga ahi soo codsado fiisaha ugu yaraan toban beri kahor imaatinkiisa Puntland.
  • In qofka ajnebiga ah ee dal ku galka soo codsanayaa yahay qof aan u safrin dalalka uu ka dilaacay cudurka Ebola.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga ayaa shaaciyey shuruudaha laga rabo muwaadiniinta doonaya in hub fudud loo sharciyeeyo si ay naftooda ama ganacsigooda ugu ilaashadaan.

  • In qofka doonaya in hub fudud loo sharciyeeyo yahay muwaadin u dhashay Puntland.
  • In qofkaasi leeyahay kaarka aqoonsiga muwaadinka Puntland.
  • In uu soo maro xarunta sirdoonka ee magaaladiisa kalana yimaado warqadda cadeynta dembi la'aanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM