W. Amniga oo shuruudo ku xirtey ajaanibta soo gelaya PL

Image

November 17, 2014 (GO)- Wasaaradda Amniga Puntland ayaa soo saartay amaro khuseeya dadka ajnebiga ah ee safarrada shaqo ama dalxiiska u imaanaya deegaanada Puntland.

Agaasimha guud ee wasaaradda Cabdi khadar Muuse Guure oo maanta shir-jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Garowe ayaa faah faahin ka bixiyey amaradan iyo sababta xilligan kusoo beegtay.

Guure wuxuu sheegay inaysan ahayn kuwo cusub balse yihiin xeerar horay loo dejiyey dastuurkuna qabo kuwaasoo dhaqan gelintooda iyo in la xoojiyo xiligan lagama maarmaan loo arkey.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in la adkeeyey shuruudihii lagu xiri jirey ajaanibta soo gelaya deegaanada Puntland lagana dhigay sidan:

  • In qofka ajnebiga ahi leeyahay ama haysto Passport sharci ah oo ugu yaraan lix bilood dhicitaankiisa ka harsan tahay.
  • In qofka ajnebiga ahi wato aqoonsiga hay'adda ama shirkadda uu ka tirsan yahay ama uu wataa nuqul kamid ah heshiiska uu la galay.
  • In qofka ajnebiga ahi soo codsado fiisaha ugu yaraan toban beri kahor imaatinkiisa Puntland.
  • In qofka ajnebiga ah ee dal ku galka soo codsanayaa yahay qof aan u safrin dalalka uu ka dilaacay cudurka Ebola.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga ayaa shaaciyey shuruudaha laga rabo muwaadiniinta doonaya in hub fudud loo sharciyeeyo si ay naftooda ama ganacsigooda ugu ilaashadaan.

  • In qofka doonaya in hub fudud loo sharciyeeyo yahay muwaadin u dhashay Puntland.
  • In qofkaasi leeyahay kaarka aqoonsiga muwaadinka Puntland.
  • In uu soo maro xarunta sirdoonka ee magaaladiisa kalana yimaado warqadda cadeynta dembi la'aanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM