W. Haweenka PL oo daah furtey todobaadka ka hortagga tacadiyada

Image

November 25, 2014 (GO)- Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Bulshada Puntland ayaa daah furtey todobaadka ka hortagga tacadiyada ay la kulmaan dumarku oo sanad walba marka xiligan lasoo gaaro caalamka oo dhan laga xuso.

Munaasabad lagu xusayay 25 November oo ka dhacday Garowe ayaa waxa soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Bulshda Puntland, waxaana ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha xukuumada, baarlamanka iyo ururada haweenka Puntland.

Wasiirada Haweenka Aniso Xaaji Muuminoo furtay kulanka  ayaa tilaamay maalmahan in loogu talagalay in la soo bandhigo tacdiyada loo gaysto gabdhaha iyo caruurta, iyadoo sheegtay in tacadiyadaasi siugu jiraan kuwo qarsoon iyo kuwo muuqda.

Aniso ayaa sidoo kale tacdiyada lagula kaco dumarka ku tilmamatay inay ka mid yihiin kufsiga, gudniinka fircooniga ah, gabdhaha oon loo dirin waxbarshada  iyo hooyooyinka oo dhibaatooyin la kulma xilliyada ay uurka leeyihiin iyo weliba xiliga dhalmada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM