W. Hawlaha Guud iyo Gaadiidka PL oo tababartey 40 injineer

Image

November 13, 2014 (GO)- Wasaradda Hawlaha Guud iyo gaadiidka Puntland oo kaashanaysa qaar ka mid ah hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Puntland ayaa tababar toban cisho socday usoo gabogabaysey injineero ka kala yimi degmooyinka Puntland qaarkood iyo magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho.

Ahmiyadda tababarka ayaa ah sidii Injineerada Puntland loogu tababari lahaa ku shaqaynta qalabka casriga ah ee dhulka lagu baaro iyo kor u qaadista aqoontooda guud, waxana tababarka bixinayay khabiir ka socda Hay'adda UN-HABITAT.

Agaasimaha Hay'adda Jidadka Puntland Eng.Maxamuud Cabdinuur ayaa sheegay qalabkani inuu yahay markii ugu horaysay oo Puntland la keeno ku shaqayntooduna u baahan yahay in la barto. Docda kale agaasimuhu ka qayb galayaashii ayuu ku dhiirigaliyay inaysan guryahooda qalabkan dhigan ee ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa dhankiisa muujiyay inuu ku faraxsan yahay Enjineeradda inay helaan fursad ay ku bartaan sahminta dhulka iyo la qabsiga qalabka casriga ah ee lagu shaqeeyo.

Xirsi ayaa intaas raaciyey inay wax lagu farxo tahay tababarkan inay kasoo qayb galaan injineero ka socda Cadaado iyo Muqdisho, kawaasoo dhankoodana muujiyay inay tahay markii ugu horaysay oo tababar ku qaataan Garowe.

Injineero tiradoodu gaareyso afartan ayaa ka qayb galay tababarkan, sidoo kale waxaa inta uu socdey ka faa'iidaystey qaar kamid ah ardeyda wax ka barta Jaamacadda Bariga Africa qaybteeda Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM